Tottenham Hotspur iyo Real Madrid ayaa ku kulmaya caawa kulan katirsan Champions League garoonka Wembley Stadium, iyadoo labada koox min todobo dhibcood ay uruursadeen saddexdii kulan ee ugu horeysay Group H.

Si kastaba ha ahaatee, labada kooxood ayaa kulankaan ku soo laaban doona kadib markii guuldarrooyin ay kala soo kulmeeen horyaaladooda.

Kooxda Spurs ayaa qasaaro kala kulantay sabtidii Manchester United, halka Real Madrid ay ku dhibtootay ciyaaartii Girona.

OGEYSIISKA CIYAARTA

GAROONKA:  Wembley Stadium

SAACADA: 10:45 PM

MAXAA CUSUB?

Natiijada sawirka Tottenham Hotspur vs Real Madrid

Pochettino ayey u badan tahay inuu fursad siiyo Kane, kadib markii la nasiyay kulankii Manchester United ee todddobadkaan.

Sanchez ayaa kusoo laaban kara qeybta daafac Tottenham, iyadoo Dier uu dib ugu laabanayo khadka dhexe, halka Mousa Dembele iyo Harry Winks midkood uu xulan doono macalin Pochettino.

Kieran Tripper iyo Serge Aurier midkood ayaa kusoo bilaaban kara garabka midig ee daafaca, iyadoo Pochettino uusan boos u heli karin Danny Rose oo dhaawac kasoo laabtay.

Zidane ayaa sheegay inuusan hubin taam ahaanshiyaha Gareth Bale, laakiin warar kasoo baxaya Spain ayaa lagu sheegay in ciyaaryahankii hore Spurs uusan weli kusoo laaban tababarka.

Tababaraha Faransiiska ayaa isbedel ku sameyn doona line-upkiisa, iyadoo Nacho iyo Marco Asensio labaduba dib ugu soo laaban doonaan kooxda.

Labada ciyaaryahan ayaa laga yaabaa in ay bedelaan Raphael Varane iyo Isco oo labadoodaba seegay tababarkaii ka horeeyay kulankaan, halka Navas uu weli shaki ku jiro ka dib markii uu seegay seddexdii kulan ee ugu dambeysay Real Madrid.

XAQIIQADA KULANKA

Natiijada sawirka Tottenham Hotspur vs Real Madrid

Kulankaan ayaa noqon doona kii lixaad oo ay labada kooxood isku wajahaan tartan rasmi ah, iyadoo Real ay seddex guul ka gaartay Spurs.

Markii ugu danbeysay labada koox ku kulmaan London waxay aheyd 2011kii, Real ayaa ku badisay waqtigaas 1-0 ciyaar ka dhacday White Hart Lane, iyadoo goolka guusha uu dhaliyay Ronaldo.

SAFAFKA MACQUULKA AH

Tottenham Hotspur: Lloris; Sanchez, Alderweireld, Vertonghen; Tripper, Dier, Dembele, Davies; Eriksen, Alli, Llorente

Real Madrid: Casilla; Hakimi, Ramos, Nacho, Marcelo; Casemiro, Modric, Kroos; Asensio, Ronaldo, Benzema.

Isla Group-kaan waxaa caawa ku kulmaya kooxaha Borussia Dortmund iyo APOEL Nicosia, waxaana labada koox ay umuuqdaan kuwo isaga haray marxalada wareega 16ka.